Si aad u hesho Faafinta Degdeg ah
La xiriir: Cynthia Santana/Maareeyaha Isgaarsiinta
206-256-5219
cynthia.santana@seattle.gov
Xaafiiska Heerarka Shaqaalaha ee magaalada Seattle wuxuu Ku dhawaaqayaa Mushaarka Ugu Hooseeya ee Seattle sanadka 2026
Seattle, WA – (Sebteembar 30, 2025) – Xaafiiska Heerarka Shaqaalaha ee magaalada Seattle (OLS, Seattle Office of Labor Standards) wuxuu ku dhawaaqayaa mushaarka ugu hooseeya ee Seattle oo dhaqan galaaya Janaayo 1, 2026. Kordhinta mushaarka ugu hooseeya waxaa qasab ka dhigaya Minimum Wage Ordinance (Sharciga Mushaarka Ugu Hooseeya). Mushaarka ugu yar ayaa lagu dabaqaayaa iyadoo aan loo eegeyn aqoonsiga qaxootinimo ee shaqaalaha. Kordhinta mushaarka ugu yar waxay ka tarjumaysaa heerka sicirbararka ku salaysan Consumer Price Index (CPI-W, Tusaha Qiimaha Macmiilka) ee ku aadan aagga Seattle Tacoma Bremerton.
Laga bilaabo Janaayo 1, 2026, ganacsiyadu waxay shaqaalaha siin doonaan $21.30 saacaddiiba.
Minimum Wage Ordinance (Sharciga Mushaaarka Ugu Yar) ayaa dejinaaya mushaarka ugu yar ee loogu talagalay shaqaalaha ka shaqeeya gudaha xadka magaalada. Mushaarka ugu yar ee Seattle ee sanadka 2025 ee hadda lagu jira waa $20.76/saacadiiba.
OLS waxay boostada ugu soo diraysaa boorka goobta shaqada oo wax laga badelay ayna ku jiraan macluumaadka heerarka shaqaalaha ee 2026 waxayna u diraysaa ganacsi kasta oo shatiga ganacsiga ka haysta Seattle. Koobiyada boorka goobta shaqada oo Ingiriis ku qoran iyo isagoo loo turjumay 33 luuqadood ayaa la heli doonaa goordhow. Iska diiwaangeli wargayska OLS si aad u hesho xogihii ugu dambeeyay ee heerarka shaqaalaha Seattle oo aad ka helayso websaydka OLS.
- Caawimaada ganacsiyada: si aad u hesho caawimaad bilaash ah oo gaar ah oo lagaa siiyo ku dhaqanka xeerka mushaarka ugu hooseeya ee Seattle iyo sharciyada kale ee shaqaalaha, wac 206-256-5297, iimeel udir business.laborstandards@seattle.gov ama halkaan dhagsii si aad u buuxiso foomka codsiga oo oonleen ah.
- Caawimaad loogu talagalay shaqalaaha iyo dadwaynaha kale: si aad noo waydiiso su’aal, u soo gudbiso cabasho, ama noo siiso macluumaad, wac 206-256-5297, iimayl u dir workers.laborstandards@seattle.gov, ama halkaan guji si aad u buuxiso foomka oonleenka ah.
####