seattle.gov logoSeattle

  • Services & Information
  • Elected Officials
  • Departments
  • Visiting Seattle
  • News
  • Back toSeattle.gov
  • Seattle.gov
    • Elected Officials
    • Services & Information
      • Animals and Pets
        • Animals and Pets 2
          • Animals and Pets3
      • Arts and Culture
      • Building and Construction
      • Business and Economic Development
      • City Administration
      • City Jobs
      • City Planning and Development
      • Court Services
      • Education, Schools and Learning
      • Environment and Sustainability
      • Grants and Funding
      • Housing, Health and Human Services
      • Neighborhood Services
      • Parks, Recreation and Attractions
      • Police, Fire and Public Safety
      • Streets, Parking and Transportation
      • Technology
      • Utilities
      • Volunteering and Participating
    • Departments
    • Boards & Commissions
    • Visiting Seattle
      • Points of Interest
    • Business in Seattle
    • Skip to main content

    News.seattle.gov

    News from the City of Seattle

    Categories

    Xeerka Xuquuqda Shaqo Ka joojinta Shaqaalaha Abka ayyaa Bixinaaya Difaacyada Cusub ee Shaqaalaha

    01/06/2025

    Si aad u hesho Faafinta Degdeg ah

    La xiriir: Cynthia Santana/Maareeyaha Isgaarsiinta
    206-256-5219
    cynthia.santana@seattle.gov

    Xeerka Xuquuqda Shaqo Ka joojinta Shaqaalaha Abka ayyaa Bixinaaya Difaacyada Cusub ee Shaqaalaha

    Wuxuu dhaqan galayaa Janaayo 1, 2025

    Seattle, WA – (Janaayo 6, 2025) – Seattle Office of Labor Standards (OLS) ayaa ku dhawaaqaya in Xeerka Xuquuqda Shaqo Ka joojinta Shaqaalaha App-ka uu dhaqan galaayo bisha Janaayo 1, 2025. Sharciga ayaa daboolaaya shaqaalaha qaar ee abka ka shaqeeya (mararka qaarka loogu yeero shaqaalaha gig) wuxuuna siinayaa xuquuqaha kala duwan ee la xiriira shaqo ka joojinta iyo difaacyada shaqaalaha sharcigu quseeyo.

    Laga bilaabo Janaayo 1, 2025, Xeerka Xuquuqda Shaqo ka Joojinta Shaqaalaha abka ka Shaqeeya ayaa ka difaacaaya shaqaalaha abka in sifo cadaalad daro ah looga xiro, ama “looga joojiyo,” adeegsiga ababka ay dakhliga ka helaan. Shaqo ka joojintu waa xanibaada rasmiga ah ama ku meel gaarka ah ee awooda shaqaaluhu u leeyahay bixinta adeegyada shirkada interneedka ku shaqeysa.

    Inta u dhexaysa Janaayo 1, 2025, iyo Maajo 31, 2027, OLS ayaan awood badan oo fulin lahayn. Inta lagu jiro wakhtigaan, OLS ayaa baari kara arimaha sida in shirkada khadku bixisay:

    • Ogeysiiska Xuquuqaha;
    • Xeerka shaqo ka joojinta;
    • Cadeyn muujinaysa sababta shaqo ka joojinta;
    • Habraaca shaqaaluhu ka doodi karo shaqo ka joojinta; iyo
    • Inay raacday talaabooyinka qasabka ah ee kahor iyo kadib shaqo ka joojinta shaqaalaha abka ku shaqeeya.

    OLS ayaan loo ogolayn inuu baaro in shirkada shabakadu ay shaqaalaha shaqada uga saartay sabab la ogol yahay ilaa laga gaaraayo Juun 1, 2027. Markii la doono, OLS ayaa baari karta arimaha shaqo ka joojinta.

    “Seattle ayaa ah magaaladii koobaad ee wadanka oo baasisa sharci ka difaacaaya shaqaalaha abka ka shaqeeya shaqo ka joojin bilaa sabab ah. Shaqaalaha abka ku shaqeeya ayaa hadda xaq u leh inay ogaadaan sababta shaqada looga saaray, nooca xogta shirkada shabakadu u adeegsatay gaarista go’aankeeda, iyo sida ay uga doodi karaan shaqo ka joojinta, taasoo abuuraysa shaqo xasilooni iyo sugnaan leh,” ayuu yiri Agaasimaha OLS Steven Marchese. “OLS ayaa samayn doona isku xir, waxbarasho, iyo khayraad la siinaayo labadaba shaqaalaha iyo shirkadaha shabakada si loo xaqiijiyo in qof kasta uu si buuxda uga warqabo xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa ku cad Xeerka Xuquuqda Shaqaalaha Abka ka Shaqeeya.”

    Si aad u hesho faahfaahin dheeri ah iyo khayraad ku aadan Xeerka Xuquuqda Shaqaalaha Abka ka Shaqeeya iyo sharciyada kale ee shaqaalaha abka ka shaqeeya ayna ku jiraan Xeerarka Fasaxa Mushaarka leh ee Qofka jiran iyo Fasaxa Badbaadada ee Shaqalaha Abka iyo Mushaarka ugu Yar ee Shaqaalaha abka fadlan booqo webseedka Xeerarka Shaqaalaha Abka ku Shaqeeya ee OLS adoo gujinaaya halkaan. Wixii su’aalo ah, fadlan wac 206-256-5297 ama iimeyl u dir laborstandards@seattle.gov.

    • Caawimaada shirkadaha shabakada: si aad u hesho caawimaad bilaash ah oo gaar ah oo lagaa siiyo ku dhaqanka xeerka xeerarka shaqaalaha ee Seattle, wac 206-256-5297, iimeel udir business.laborstandards@seattle.gov ama guji halkaan si aad u buuxiso foomka codsiga oo oonleen ah.
    • Caawimaadda shaqaalaha abka ku shaqeeya iyo dadwaynaha: si aad noo waydiiso su’aal, u soo gudbiso cabasho, ama noo siiso macluumaad, wac 206-256-5297, iimayl u dir workers.laborstandards@seattle.gov, ama halkaan guji si aad u buuxiso foomka oonleenka ah.

    ###

    Office of Labor Standards, Source: Labor Standards

    Filed Under: News Release, Office of Labor Standards Tagged With: Office of Labor Standards, Source: Labor Standards

    Copyright © 2025 · News Pro Theme on Genesis Framework · WordPress · Log in

    News.seattle.gov
    Entries (RSS)
    About Our Digital Properties
    Log in
    Title II: Americans with Disabilities Act
    Title VI: Civil Rights Act
    Privacy
    © 1995- 2025 City of Seattle