Si aad u hesho Faafinta Degdeg ah
La xiriir: Cynthia Santana/Maareeyaha Isgaarsiinta
206-256-5219
cynthia.santana@seattle.gov
Laga bilaabo Janaayo 1, 2025, Xeerka Xuquuqda Shaqo Ka joojinta Shaqaalaha Abka ayaa Bixinaaya Difaacyada Cusub ee Shaqaalaha
Seattle, WA – (Diseembar 11, 2024) – Seattle Office of Labor Standards (OLS) ayaa ku dhawaaqaya in Xeerka Xuquuqda Shaqo Ka joojinta Shaqaalaha App-ka uu dhaqan galaayo bisha Janaayo 1, 2025. Sharciga ayaa daboolaaya shaqaalaha qaar ee abka ka shaqeeya (mararka qaarka loogu yeero shaqaalaha gig) wuxuuna siinayaa xuquuqaha kala duwan ee la xiriira shaqo ka joojinta iyo difaacyada shaqaalaha sharcigu quseeyo.
Laga bilaabo Janaayo 1, 2025, Xeerka Xuquuqda Shaqo ka Joojinta Shaqaalaha abka ka Shaqeeya ayaa ka difaacaaya shaqaalaha abka in sifo cadaalad daro ah looga xiro, ama “looga joojiyo,” adeegsiga ababka ay dakhliga ka helaan. Shaqo ka joojintu waa xanibaada rasmiga ah ama ku meel gaarka ah ee awooda shaqaaluhu u leeyahay bixinta adeegyada shirkada interneedka ku shaqeysa.
Inta u dhexaysa Janaayo 1, 2025, iyo Maajo 31, 2027, OLS ayaan awood badan oo fulin lahayn. Inta lagu jiro wakhtigaan, OLS ayaa baari kara arimaha sida in shirkada khadku bixisay:
- Ogeysiiska Xuquuqaha;
- Xeerka shaqo ka joojinta;
- Cadeyn muujinaysa sababta shaqo ka joojinta;
- Habraaca shaqaaluhu ka doodi karo shaqo ka joojinta; iyo
- Inay raacday talaabooyinka qasabka ah ee kahor iyo kadib shaqo ka joojinta shaqaalaha abka ku shaqeeya.
OLS ayaan loo ogolayn inuu baaro in shirkada shabakadu ay shaqaalaha shaqada uga saartay sabab la ogol yahay ilaa laga gaaraayo Juun 1, 2027. Markii la doono, OLS ayaa baari karta arimaha shaqo ka joojinta.
“Magaallada Seattle ayaa markale ku hogaaminaysa qaranka difaacyada shaqaalaha iyo xuquuqda shaqaalaha abka ku shaqeeya. Laga bilaabo Janaayo 1deeda, shaqaalaha abka ku shaqeeya ayaa xaq u yeelan doona fahanka sababaha ka danbeeya shaqo ka joojintooda, xogta shirkadaha shabakadu u adeegsadeen gaarista go’aanka, iyo hanaanka ka dagaalamida shaqo ka joojinta, ” ayuu yiri Agaasimaha OLS Steven Marchese. “OLS ayaa ku dedaali doona inuu u sameeyo isku xir iyo waxbarasho labadaba shaqaalaha iyo shirkadaha shabakada si loo xaqiijiyo in qof kasta uu ka warqabo xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa ku cad sharcigaan cusub.”
Si aad u hesho faahfaahin dheeri ah iyo khayraad ku aadan Xeerka Xuquuqda Shaqaalaha Abka ka Shaqeeya iyo sharciyada kale ee shaqaalaha abka ka shaqeeya ayna ku jiraan Xeerarka Fasaxa Mushaarka leh ee Qofka jiran iyo Fasaxa Badbaadada ee Shaqalaha Abka iyo Mushaarka ugu Yar ee Shaqaalaha abka fadlan booqo webseedka Xeerarka Shaqaalaha Abka ku Shaqeeya ee OLS adoo gujinaaya halkaan. Wixii su’aalo ah, fadlan wac 206-256-5297 ama iimeyl u dir laborstandards@seattle.gov.
- Caawimaada shirkadaha shabakada: si aad u hesho caawimaad bilaash ah oo gaar ah oo lagaa siiyo ku dhaqanka xeerka xeerarka shaqaalaha ee Seattle, wac 206-256-5297, iimeel udir business.laborstandards@seattle.gov ama guji halkaan si aad u buuxiso foomka codsiga oo oonleen ah.
- Caawimaadda shaqaalaha abka ku shaqeeya iyo dadwaynaha: si aad noo waydiiso su’aal, u soo gudbiso cabasho, ama noo siiso macluumaad, wac 206-256-5297, iimayl u dir workers.laborstandards@seattle.gov, ama halkaan guji si aad u buuxiso foomka oonleenka ah.