seattle.gov logoSeattle

  • Services & Information
  • Elected Officials
  • Departments
  • Visiting Seattle
  • News
  • Back toSeattle.gov
  • Seattle.gov
    • Elected Officials
    • Services & Information
      • Animals and Pets
        • Animals and Pets 2
          • Animals and Pets3
      • Arts and Culture
      • Building and Construction
      • Business and Economic Development
      • City Administration
      • City Jobs
      • City Planning and Development
      • Court Services
      • Education, Schools and Learning
      • Environment and Sustainability
      • Grants and Funding
      • Housing, Health and Human Services
      • Neighborhood Services
      • Parks, Recreation and Attractions
      • Police, Fire and Public Safety
      • Streets, Parking and Transportation
      • Technology
      • Utilities
      • Volunteering and Participating
    • Departments
    • Boards & Commissions
    • Visiting Seattle
      • Points of Interest
    • Business in Seattle
    • Skip to main content

    News.seattle.gov

    News from the City of Seattle

    Categories

    Xaafiiska Heerarka Shaqaalaha ee magaalada Seattle wuxuu Ku dhawaaqayaa Mushaarka Ugu Hooseeya ee Seattle sanadka 2025

    10/03/2024

    Si aad u hesho Faafinta Degdeg ah

    La xiriir: Cynthia Santana/Maareeyaha Isgaarsiinta
    206-256-5219
    cynthia.santana@seattle.gov

    Xaafiiska Heerarka Shaqaalaha ee magaalada Seattle wuxuu Ku dhawaaqayaa Mushaarka Ugu Hooseeya ee Seattle sanadka 2025

    Seattle, WA – (Oktoobar 3, 2024) – Xaafiiska Heerarka Shaqaalaha ee magaalada Seattle (OLS, Seattle Office of Labor Standards) wuxuu ku dhawaaqayaa mushaarka ugu hooseeya ee Seattle oo dhaqan galaaya Janaayo 1, 2025. Kordhinta mushaarka ugu hooseeya waxaa qasab ka dhigaya Minimum Wage Ordinance (Sharciga Mushaarka Ugu Hooseeya). Mushaarka ugu yar ayaa lagu dabaqaayaa iyadoo aan loo eegeyn aqoonsiga qaxootinimo ee shaqaalaha. Kordhinta mushaarka ugu yar waxay ka tarjumaysaa heerka sicirbararka ku salaysan Consumer Price Index (CPI-W, Tusaha Qiimaha Macmiilka) ee ku aadan aagga Seattle Tacoma Bremerton.

    Laga bilaabo Janaayo 1, 2025, DHAMMAAN ganacsiyada labadaba kuwa balaaran iyo kuwa yaryar ayaa siin doona shaqaalaha $20.76 saacadii.

    Ganacsiyada yaryar ayaan hadda kadib awoodi doonin inay ku daboolaan qaybo kamid ah mushaarka ugu yar lacagaha sadaqada ah ama dheefaha caafimaadka ee la siiyo shaqaalahooda.

    Minimum Wage Ordinance (Sharciga Mushahaarka Ugu Yar) ayaa dejinaaya mushaarka ugu yar ee loogu talagalay shaqaalaha ka shaqeeya gudaha xadka magaalada. Mushaarka ugu yar ee Seattle ee sanadka 2024 ee hadda jira waa $19.97/saacadiiba oo ay bixiyaan shirkadaha waaweyn ee wax shaqaalaysiiya iyo shirkadaha yaryar ee aan bixin ugu yaraan $2.72/saacadiiba oo ay ku daraan dheefaha caafimaadka ee shaqaalaha iyo/ama marka shaqaale uusan helin ugu yaraan $2.72/saacadiiba oo sadaqada macaamiishu baxshaan ah. Loo shaqeeyaasha yaryar ee bixiya $2.72/saacadiiba ee lagu bixiyo dheefaha caafimaadka iyo/ama marka shaqaale uu helo ugu yaraan $2.72/saacadiiba oo sadaqo ah ayaa hadda dhiiba $17.25/saacadiiba.

    OLS waxay boostada ugu soo diraysaa boorka goobta shaqada oo wax laga badelay ayna ku jiraan macluumaadka heerarka shaqaalaha ee 2025 waxayna u diraysaa ganacsi kasta oo shatiga ganacsiga ka haysta Seattle. Koobiyada boorka goobta shaqada oo Ingiriis ku qoran iyo isagoo loo turjumay 33 luuqadood ayaa la heli doonaa goordhow. Iska diiwaangeli wargayska OLS si aad u hesho xogihii ugu dambeeyay ee heerarka shaqaalaha Seattle oo aad ka helayso websaydka OLS.  

    • Caawimaada ganacsiyada: si aad u hesho caawimaad bilaash ah oo gaar ah oo lagaa siiyo ku dhaqanka xeerka mushaarka ugu hooseeya ee Seattle iyo sharciyada kale ee shaqaalaha, wac 206-256-5297, iimeel udir business.laborstandards@seattle.gov ama halkaan dhagsii si aad u buuxiso foomka codsiga oo oonleen ah.
    • Caawimaad loogu talagalay shaqalaaha iyo dadwaynaha kale: si aad noo waydiiso su’aal, u soo gudbiso cabasho, ama noo siiso macluumaad, wac 206-256-5297, iimayl u dir workers.laborstandards@seattle.gov, ama halkaan guji si aad u buuxiso foomka oonleenka ah.

    ####

    Office of Labor Standards, Source: Labor Standards

    Filed Under: News Release, Office of Labor Standards Tagged With: Office of Labor Standards, Source: Labor Standards

    Copyright © 2025 · News Pro Theme on Genesis Framework · WordPress · Log in

    News.seattle.gov
    Entries (RSS)
    About Our Digital Properties
    Log in
    Title II: Americans with Disabilities Act
    Title VI: Civil Rights Act
    Privacy
    © 1995- 2025 City of Seattle