Faafin Degdeg ah
La xiriir: Cynthia Santana/Maareeyaha Isgaarsiinta
206-256-5219
cynthia.santana@seattle.gov
Xafiiska Heerarka Shaqaalaha ayaa U Asteeya Taariikh App-Based Worker Minimum Payment Ordinance iyo Caymiska Dheeraadka ah ee App-Based Worker Paid Sick iyo Safe Time Ordinance ee Munaasabada Seattle Center
Seattle, WA – (Janaayo 12, 2024) Xaafiiska Heerka Shaqaalaha ee (OLS, Seattle Office of Labor Standards) ayaa shaaciyay in Xeerka Lacagta Ugu Yar ee Shaqaalaha Aabka (ABWMP, App-Based Worker Minimum Payment) uu dhaqan galaayo Sabtida, Janaayo 13, 2024. Waxaa intaas dheer, Xeerka Wakhtiga Fasaxa Mushaarka leh ee Qofka jiran iyo Fasaxa Badbaadada ee Shaqaalaha Aabka (ABWPSST, App-Based Worker Paid Sick and Safe Time App-Based Worker Paid Sick and Safe Time) ayaaqaban doona dhammaan shaqaalaha aabka ku saleysan kuwaasoo ka shaqeeya shirkad shabakadeed ay ka shaqeeyaan in ka badan 250 shaqaale ah aduunyada oo dhan laga bilaabo Janaayo 13, 2024.
“Shaqaalaha ku meel gaarka ah ayaa muhiim u ah dhaqaalaha Seattle – dhaqan gelinta xeerarkaan cusubna waxay muujinaysaa dedaalladeena mideysan ee ku aadan hormarinta heerarka ugu awooda badan ee shaqaalaha wadanka, si shaqaaluhu u helaan xasilooni iyo taageerada ay u baahan yihiin si ay guul uga gaaraan magaaladeena,” ayuu yihin Gudoomiyaha gobalka Bruce Harrell.
App-Based Worker Minimum Payment Ordinance (APBWMP) – ayaa ka doonaaya shirkadaha qaarkood inay bixiyaan lacagta ugu yar ee masaafada iyo wakhtiga ay shaqeeyaan shaqaalaha isticmaalaya aabka.
App-Based Worker Paid Sick and Safe Time Ordinance (APBWPSST) – ayaa ka doonaaya shirkadaha qaarkood inay bixiyaan lacagta fasaxa shaqaalaha ee ka shaqeyo aabka si ay u daryeelaan naftooda ama xubnaha qoyska.
Difaacyada cusub ee shaqaalaha ku meel gaarka ah waxaa ku jiri doona martida hadalka jeedinaysa iyo bandhigyada tooska ah ee lagu soo bandhigaayo Mirrorgloss iyo Foleada oo lagu qabanaayo Seattle Center Armory mainstage laga bilaabo 3:00 PM -6:00 PM maalinta Sabtida, Janaayo 13.
“Tani waa talaabo muhiim ah oo ay horay u qaadeen shaqaalaha ku meel gaarka ah ee ku saleysan abka ee Seattle. Heerarka shaqaalaha ee Seattle ayaa si an shaki lahayn u ahaa tusaale ku dayasho mudan oo lagu ilaalinaayo xuquuqda shaqaalaha ku meelgaarka ah, ayagoo tusaale u noqday wadanka maadaama lahaanshaha dhaqaalaha shaqaalaha ku meel garka ah aysan keliya xoojinayn ganacsiyada, abka iyo shaqaalaha ku meel gaarka ah, iyo macaamiisha laakiin ay sidoo kale tahay dedaal wanaagsan, kaasoo xaqiijinaaya faya qabka dhammaan shaqaalaha,” ayuu yiri Agaasimaha OLS Steven Marchese.
“Aqoonta xuquuqda qofka ah shaqaale ku saleysan aabka gudaha Seattle ayaa muhiim u ah xaqiijinta in loola dhamo si cadaalad ah, difaaca sharciga, helitaanka gunnooyinka, iyo awood uu ugu doodo xaaladaha shaqada oo sidaan ka wanaagsan. Sidoo kale waxay qayb ka qaadan kartaa xasiloonida dhaqaalaha iyo badqabka shaqsiga ah. Muhiim ayay u tahay shaqaalaha in la wargeliyo iyo, marka loo baahdo, inay helaan caawimaada sharciga ama ururka si loo difaaco xuquuqdooda.” ayuu yiri Wei Lin, shaqaale madax banaan.
Dadwaynaha ayaa sidoo kale lagu casuumayaa inay booqdaan bandhigii ugu horeeyay oo farshaxanka ah oo ay qabato OLS “Making Gigs Work” kaasoo lagu soo bandhigay balakoonka Seattle Armory balcony laga soo bilaabo Diseembar 2, 2023. Munaasabada ay isla abaabuleen OLS iyo Seattle Center ayaa iskaashi la samaysay farshaxaniisteyaasha bulshada si loosoo bandhigo shaqada iyo difaacyada qandaraasleyaasha madaxa banaan ee Seattle iyo shaqaalaha madaxa banaan ee abka ku shaqeeya.
- Si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan ABWMP iyo xeerarka ABWPSST fadlan booqo bogga Xeerarka OLS.
- Si aad u hesho xogta munaasabada wac 206-256-5297 ama iimeel u dir laborstandards@seattle.gov
###