seattle.gov logoSeattle

  • Services & Information
  • Elected Officials
  • Departments
  • Visiting Seattle
  • News
  • Back toSeattle.gov
  • Seattle.gov
    • Elected Officials
    • Services & Information
      • Animals and Pets
        • Animals and Pets 2
          • Animals and Pets3
      • Arts and Culture
      • Building and Construction
      • Business and Economic Development
      • City Administration
      • City Jobs
      • City Planning and Development
      • Court Services
      • Education, Schools and Learning
      • Environment and Sustainability
      • Grants and Funding
      • Housing, Health and Human Services
      • Neighborhood Services
      • Parks, Recreation and Attractions
      • Police, Fire and Public Safety
      • Streets, Parking and Transportation
      • Technology
      • Utilities
      • Volunteering and Participating
    • Departments
    • Boards & Commissions
    • Visiting Seattle
      • Points of Interest
    • Business in Seattle
    • Skip to main content

    News.seattle.gov

    News from the City of Seattle

    Categories

    Xafiiska Heerarka Shaqaalaha ayaa U Asteeya Taariikh App-Based Worker Minimum Payment Ordinance iyo Caymiska Dheeraadka ah ee App-Based Worker Paid Sick iyo Safe Time Ordinance ee Munaasabada Seattle Center

    01/12/2024

    Faafin Degdeg ah

    La xiriir: Cynthia Santana/Maareeyaha Isgaarsiinta
    206-256-5219
    cynthia.santana@seattle.gov

    Xafiiska Heerarka Shaqaalaha ayaa U Asteeya Taariikh App-Based Worker Minimum Payment Ordinance iyo Caymiska Dheeraadka ah ee App-Based Worker Paid Sick iyo Safe Time Ordinance ee Munaasabada Seattle Center

    Seattle, WA – (Janaayo 12, 2024) Xaafiiska Heerka Shaqaalaha ee (OLS, Seattle Office of Labor Standards) ayaa shaaciyay in Xeerka Lacagta Ugu Yar ee Shaqaalaha Aabka (ABWMP, App-Based Worker Minimum Payment) uu dhaqan galaayo Sabtida, Janaayo 13, 2024.  Waxaa intaas dheer, Xeerka Wakhtiga Fasaxa Mushaarka leh ee Qofka jiran iyo Fasaxa Badbaadada ee Shaqaalaha Aabka (ABWPSST, App-Based Worker Paid Sick and Safe Time App-Based Worker Paid Sick and Safe Time) ayaaqaban doona dhammaan shaqaalaha aabka ku saleysan kuwaasoo ka shaqeeya shirkad shabakadeed ay ka shaqeeyaan in ka badan 250 shaqaale ah aduunyada oo dhan laga bilaabo Janaayo 13, 2024.

    “Shaqaalaha ku meel gaarka ah ayaa muhiim u ah dhaqaalaha Seattle – dhaqan gelinta xeerarkaan cusubna waxay muujinaysaa dedaalladeena mideysan ee ku aadan hormarinta heerarka ugu awooda badan ee shaqaalaha wadanka, si shaqaaluhu u helaan xasilooni iyo taageerada ay u baahan yihiin si ay guul uga gaaraan magaaladeena,” ayuu yihin Gudoomiyaha gobalka Bruce Harrell.

    App-Based Worker Minimum Payment Ordinance (APBWMP) – ayaa ka doonaaya shirkadaha qaarkood inay bixiyaan lacagta ugu yar ee masaafada iyo wakhtiga ay shaqeeyaan shaqaalaha isticmaalaya aabka.  

    App-Based Worker Paid Sick and Safe Time Ordinance (APBWPSST) – ayaa ka doonaaya shirkadaha qaarkood inay bixiyaan lacagta fasaxa shaqaalaha ee ka shaqeyo aabka si ay u daryeelaan naftooda ama xubnaha qoyska.   

    Difaacyada cusub ee shaqaalaha ku meel gaarka ah waxaa ku jiri doona martida hadalka jeedinaysa iyo bandhigyada tooska ah ee lagu soo bandhigaayo Mirrorgloss iyo Foleada oo lagu qabanaayo Seattle Center Armory mainstage laga bilaabo 3:00 PM -6:00 PM maalinta Sabtida, Janaayo 13.

    “Tani waa talaabo muhiim ah oo ay horay u qaadeen shaqaalaha ku meel gaarka ah ee ku saleysan abka ee Seattle. Heerarka shaqaalaha ee Seattle ayaa si an shaki lahayn u ahaa tusaale ku dayasho mudan oo lagu ilaalinaayo xuquuqda shaqaalaha ku meelgaarka ah, ayagoo tusaale u noqday wadanka maadaama lahaanshaha dhaqaalaha shaqaalaha ku meel garka ah aysan keliya xoojinayn ganacsiyada, abka iyo shaqaalaha ku meel gaarka ah, iyo macaamiisha laakiin ay sidoo kale tahay dedaal wanaagsan, kaasoo xaqiijinaaya faya qabka dhammaan shaqaalaha,” ayuu yiri Agaasimaha OLS Steven Marchese.

    “Aqoonta xuquuqda qofka ah shaqaale ku saleysan aabka gudaha Seattle ayaa muhiim u ah xaqiijinta in loola dhamo si cadaalad ah, difaaca sharciga, helitaanka gunnooyinka, iyo awood uu ugu doodo xaaladaha shaqada oo sidaan ka wanaagsan. Sidoo kale waxay qayb ka qaadan kartaa xasiloonida dhaqaalaha iyo badqabka shaqsiga ah. Muhiim ayay u tahay shaqaalaha in la wargeliyo iyo, marka loo baahdo, inay helaan caawimaada sharciga ama ururka si loo difaaco xuquuqdooda.” ayuu yiri Wei Lin, shaqaale madax banaan.

    Dadwaynaha ayaa sidoo kale lagu casuumayaa inay booqdaan bandhigii ugu horeeyay oo farshaxanka ah oo ay qabato OLS “Making Gigs Work” kaasoo lagu soo bandhigay balakoonka Seattle Armory balcony laga soo bilaabo Diseembar 2, 2023. Munaasabada ay isla abaabuleen OLS iyo Seattle Center  ayaa iskaashi la samaysay farshaxaniisteyaasha bulshada si loosoo bandhigo shaqada iyo difaacyada qandaraasleyaasha madaxa banaan ee Seattle iyo shaqaalaha madaxa banaan ee abka ku shaqeeya.

    • Si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan ABWMP iyo xeerarka ABWPSST fadlan booqo bogga Xeerarka OLS.
    •  Si aad u hesho xogta munaasabada wac 206-256-5297 ama iimeel u dir laborstandards@seattle.gov

    ###

    Office of Labor Standards, Source: Labor Standards

    Filed Under: News Release, Office of Labor Standards Tagged With: Office of Labor Standards, Source: Labor Standards

    Copyright © 2025 · News Pro Theme on Genesis Framework · WordPress · Log in

    News.seattle.gov
    Entries (RSS)
    Blog Use Notice
    Log in
    ADA Notice
    Notice of Nondiscrimination
    Privacy
    © 1995- 2025 City of Seattle