Faafin Degdeg ah
La xiriir: Cynthia Santana/Maareeyaha Isgaarsiinta
206-256-5219
cynthia.santana@seattle.gov
Xafiiska Heerarka Shaqaaluhu wuxuu ku casuumayaa dadwaynaha Bandhiga Farshaxanka ee “Making Gigs Work” oo ka dhacaaya Seattle Center
Bandhiga caleema saarka ah oo lagu soo bandhigaayo difaacyada shaqaalaha
Seattle, WA – (Diseembar 1, 2023) Xafiiska Heerarka Shaqada Seattle (OLS, Seattle Office of Labor Standards) ayaa daah-furaaya bandhig farshaxan oo aan noociisa horey loo arag “Samaynta Shaqo Ku Meel Gaar ah (Making Gigs Work)”. Munaasabada ay wada daadihinayaan Xafiiska Heerarka Shaqada Seattle iyo Seattle Center ayaa iskaashi la samaynaysa fanaaniinta bulshada si ay u muujiyaan shaqada qandaraaslayaasha madaxa banaan iyo shaqaalaha ku salaysan aabka (oo mararka qaarkood loo yaqaan shaqaalaha madaxa banaan) iyo sidoo kale difaacyada shaqaalahan ay ku helayaan Magaalada Seattle.
Bandhiga farshaxanka “Making Gigs Work” ayaa socon doona laga bilaabo Diseembar 2, 2023, ilaa Janaayo 15, 2024, laguna qaban doono Seattle Center Armory Balcony oo ku taala 305 Harrison Street laga bilaabo 7:00 AM – 8:00 PM maalin kasta (way xiran tahay Maalinta Kirismaska iyo Maalinta Sanadka Cusub).
“Seattle ayaa hogaanka u haysa kor u qaadista xuquuqaha iyo taageerooyinka ay u baahan yihiin shaqaaluhu, gaar ahaana badelida dhaqaalaha iyo adeegyada aabka ku saleysan. Bandhiga hal abuurka leh ee ‘Making Gigs Work’ waa fursad loogu xiro awooda farshaxanka xuquuqaha aan u dhisayno shaqaalaha madaxa banaan, aan kor ugu qaadeyno khibradaha dhabta ah iyo difaacyada dhabta ah,” ayuu yiri Duqa magaallada Harrell.
Farshaxanka ayaa kor u qaadaaya wacyiga ku aadan:
- Xeerka Ilaalinta Qandaraaslayaasha Madaxa Bannaan (ICP, Independent Contractor Protections Ordinance) – oo bixisa daah-furnaanta mushaarka iyo lacag bixinta waqtiga loogu talagalay ee qandaraaslayaasha madaxa banaan (shaqsiyaadka iskooda u shaqeysta ee aan shaqaale lahayn — kuwa iskood u shaqeysta, mulkiilayaal kaligooda ah) ee ka shaqeeya Seattle
- Xeerka Mushaarka Ugu Yar ee Shaqaalaha Aabka Ku saleysan (APBWMP, App-Based Worker Minimum Payment Ordinance) – ayaa ka doonaaya shirkadaha qaarkood inay bixiyaan lacagta ugu yar ee masaafada iyo wakhtiga ay shaqeeyaan shaqaalaha isticmaalaya appka
- Xeerka Wakhtiga Fasaxa Xanuunka iyo Badqabka ee Shaqaalaha Abka ku Saleysan (APBWPSST, App-Based Worker Paid Sick and Safe Time Ordinance) – ayaa ka doonaaya shirkadaha qaarkood inay bixiyaan lacagta fasaxa shaqaalaha ee ka shaqeyo aabka si ay u daryeelaan naftooda ama xubnaha qoyska
“Ugu danbayntii, isku dhafka farshaxanka iyo waxbarashada mawduucaan ayaa ah qaab hortabin leh oo ku xoojinaaya shaqaalaha aqoon ku aadan xuquuqdooda kuna dhiiri gelinaaya wada hadal ku saabsan arimaha ku xeeran shaqaalaha ku saleysan aabka.Waa qaab hal abuur iyo saamayn leh oo kor loogu qaadaayo wacyiga laguna dhisaayo isbadel wanaagsan oo ku aadan heerarka shaqaalaha,” ayuu yiri Wei Lin, Shaqaale madax banaan.
“Waxaan ku faraxsan nahay inaan dhisaayo farshaxan wacyi gelineed oo ku hagaaya qandaraasleyaasha kaladuwan, shaqaalaha abka ku shaqeeya iyo shirkadaha shaqaaleysiinta xeerarkaan cusub ee difaaci doona,” ayay tiri Shayla Hufana, farshaxaniiste kamid ah “Making Gigs Work”.
“Sharaf ayay ii tahay inaan abuuro jaantuska Xafiiska Heerarka Shaqada Seattle kaasoo gacan ka gaysan doona kor u qaadista xeerka cusub ee la xiriira wakhtiga mushaarka leh ee fasaxa xanuunka iyo badqabka oo ay heli karaan shaqaalaha abka ku shaqeeya ee ka shaqeeya Seattle. Waxaan qiyaasay in tani ay isbadel wayn u noqon doonto shaqaalaheena aasaasiga ah ee ku meel gaarka ah. Waxay u qalmaan isla xuquuqda qof kasta oo kale helaayo ayadoo aan loo eegayn inay qaataan mushaar joogto ah ama ay ku shaqeeyaan jadwalkooda gaarka ah.” Mousy DeVilla, farshaxaniistaha “Making Gigs Work”.
“Waxaan ku faraxsan nahay mashruucaan waayo waxaan helay fursad aan ku soo jeediyo dareenka shaqaalaha madaxa banaan iyo sidoo kale shaqaalaha hal abuurka/fanka iyo xuquuqdooda dhaqaalaha, taasoo la iska indho tiraayay muddo dheer iyo wanaaga shaqada madaxa banaan ee ay qabtaan. Dhaqdhaqaaqa shaqaalaha ayaa leh taariikhda fanka oo fc wayn, waxaana aad ugu faraxsan nahay inaan arko in taariikhdaas lagu muujiyo bandhigaan,” ayuu yiri Yulia Issa, farshaxaniistaha “Making Gigs Work”.
“Waxaan amaanayaa hal abuurka farshaxaniisteyaasha. Xafiiska Heerarka Shaqada Seattle waxay iskudayaysaa qaabab cusub oo ay ku gaarayso shaqaale badan sida suuragalka ah iyo inay dadwaynaha barto difaacyada shaqaalaha ee shaqaalaha madaxa banaan, abka ku shaqeeya, iyo shaqaalaha ku meel gaarka ah kuwaasoo qayb wayn ka qaata dhaqaalaha Seattle,” ayuu yiri Agaasimaa Xafiiska Heerarka Shaqada Seattle Steven Marchese. “Yoolkeenu waa in bandhiga ‘Making Gigs Work’ uu abuuri doono wada hadal ku saabsan shaqaalaha ka baxsan kuwa rasmiga ah iyo waxa magaalladu ka samaynayso si loo xaqiijiyo in shaqaalahaan loola dhaqmo si caddaalad leh iyo shaqadooda la qadariyo.”
Bandhiga waxaa ku jiri doona hadal jeedin toos ah iyo martida muusiga maalinta Sabtida, Janaayo 13, 2024, laga bilaabo 3:00-6:00 taasoo ku beegan taariikhda Xeerka Mushaarka Ugu Yar ee Shaqaalaha Aabka Ku saleysan uu dhaqan galay Xeerka Wakhtiga Fasaxa Xanuunka iyo Badqabka ee Shaqaalaha Abka ku Saleysan ayaa qabanaaya dhammaan shaqaalaha abka ku saleysan kuwaasoo ka shaqeeya shirkada shabakada taasoo ay u shaqeeyaan in ka badan 250 shaqaale ah aduunka oo dhan.
Si aad u hesho xog dheeraad ah ama su’aalo la xiriira bandhiga “Making Gigs Work”iimeel ugu dir Xafiiska Heerarka Shaqaalaha laborstandards@seattle.gov ama ka wac 206-256-5297.
###