seattle.gov logoSeattle

  • Services & Information
  • Elected Officials
  • Departments
  • Visiting Seattle
  • News
  • Back toSeattle.gov
  • Seattle.gov
    • Elected Officials
    • Services & Information
      • Animals and Pets
        • Animals and Pets 2
          • Animals and Pets3
      • Arts and Culture
      • Building and Construction
      • Business and Economic Development
      • City Administration
      • City Jobs
      • City Planning and Development
      • Court Services
      • Education, Schools and Learning
      • Environment and Sustainability
      • Grants and Funding
      • Housing, Health and Human Services
      • Neighborhood Services
      • Parks, Recreation and Attractions
      • Police, Fire and Public Safety
      • Streets, Parking and Transportation
      • Technology
      • Utilities
      • Volunteering and Participating
    • Departments
    • Boards & Commissions
    • Visiting Seattle
      • Points of Interest
    • Business in Seattle
    • Skip to main content

    News.seattle.gov

    News from the City of Seattle

    Categories

    Xafiiska Xeerarka Shaqada wuxuu Ku dhawaaqayaa Mushaarka Ugu Hooseeya ee Seattle sanadka 2024

    10/16/2023

    Si aad u hesho Faafinta Degdeg ah

    La xiriir: Cynthia Santana/Maareeyaha Isgaarsiinta
    206-256-5219
    cynthia.santana@seattle.gov

    Xafiiska Xeerarka Shaqada wuxuu Ku dhawaaqayaa Mushaarka Ugu Hooseeya ee Seattle sanadka 2024

    Seattle, WA – (Oktoobar 16, 2023) – Xaafiiska Xeerarka Shaqada ee magaalada Seattle (OLS, Seattle Office of Labor Standards) wuxuu ku dhawaaqayaa mushaarka ugu hooseeya ee Seattle oo dhaqan galaaya Janaayo 1, 2024. Kordhinta mushaarka ugu hooseeya waxaa qasab ka dhigaya Sharciga Mushaarka Ugu Hooseeya (Minimum Wage Ordinance). Mushaarka ugu yar ayaa lagu dabaqaayaa iyadoo aan loo eegeyn aqoonsiga qaxootinimo ee shaqaalaha. Kordhinta mushaarka ugu yar waxay ka tarjumaysaa heerka sicirbararka ku salaysan Tusaha Qiimaha Macmiilka ee ku aadan aagga Seattle Tacoma Bremerton.

    • Mushaarka ugu yar ee sanadka 2024 ee shirkadaha waawayn ee wax shaqalaysiiya (501 shaqaale ama in ka badan) waa $19.97/saacadiiba.
    • Mushaarka ugu yar ee shirkadaha yaryar ee wax shaqalaaysiiya 2024 (500 shaqaale ama wax ka yar) kuwaas oo aan bixin ugu yaraan $2.72/saacadiiba oo lagu baxiyo gunooyinka caafimadka shaqaalaha iyo/ama kuwa shaqaalaha aysan ka helin ugu yaraan $2.72/saacadiiba oo caawimaad ah waa $19.97/saacadiiba.
    • Mushaarka ugu yar ee shirkadaha yaryar ee wax shaqalaaysiiya 2024 kuwaas oo bixiya ugu yaraan $2.72/saacadiiba oo ku bixiya gunooyinka caafimadka shaqaalaha iyo/ama kuwa shaqaalaha ay ka helaan ugu yaraan $2.72/saacadiiba oo caawimaad ah waa $17.25/saacadiiba.

    “Seattle waa mid ka mida meelaha bixiya sareynta ugu sareysa ee musharka ugu hooseeya ee qaranka – ballanqaad cad oo ah in la abuuro magaalo ay ku noolaan karaan dadka shaqeeya ayna ku kobci karaan,” ayuu yiri Duqa magaalada Bruce Harrell. “Waxaan sii wadi doonaa horumarinta siyaasadaha iyo barnaamijyada taageera dadka shaqeeya kuwaas oo sidoo kale lagu xaqiijiyo in Seattle ay sii ahaato saldhigga xuquuqda shaqaalaha.” 

    Sharciga Mushahaarka Ugu Yar ayaa dejinaaya mushaarka ugu yar ee loogu talagalay shaqaalaha ka shaqeeya gudaha xadka magaalada. Mushaarka ugu yar ee Seattle ee sanadka 2023 ee hadda jira waa $18.69/saacadiiba oo ku aadan shirkadaha waaweyn ee wax shaqaalaysiya iyo shirkadaha yaryar ee aan bixin ugu yaraan $2.19/saacadiiba oo ku bixiya dheefaha caafimaadka ee shaqaalaha iyo/ama halka shaqaalaha aysan ka helin ugu yaraan $2.19/saacadiiba oo caawimaad ahaan ah. Shirkadaha yaryar ee wax shaqaalaysiya ee bixiya $2.19/saacadiiba kuna bixiya dheefaha caafimaadka iyo/ama halka ay shaqaalaha ka helaan ugu yaraan $2.19/saacadiiba oo ah caawimaad hadda waxay bixiyan $16.50/saacadiiba.

    OLS waxay boostada ugu soo diraysaa boorka goobta shaqada oo wax laga badelay ayna ku jiraan macluumaadka heerarka shaqaalaha ee 2024 waxayna u diraysaa ganacsi kasta oo shatiga ganacsiga ka haysta Seattle. Koobiyada boorka goobta shaqada oo Ingiriis ku qoran iyo isagoo loo turjumay 29 luuqadood ayaa la heli doonaa goordhow. Iska diiwaangeli wargayska OLS si aad u hesho xogihii ugu danbeeyay ee heerarka shaqaalaha Seattle oo aad ka helayso websaydka OLS.  

    • Caawimaada ganacsiyada: si aad u hesho caawimaad bilaash ah oo gaar ah oo lagaa siiyo ku dhaqanka xeerka mushaarka ugu hooseeya ee Seattle iyo sharciyada kale ee shaqaalaha, wac 206-256-5297, iimeel udir business.laborstandards@seattle.gov ama halkaan dhagsii si aad u buuxiso foomka codsiga oo oonleen ah.
    • Caawimaad loogu talagalay shaqalaaha iyo dadwaynaha kale: si aad noo waydiiso su’aal, u soo gudbiso cabasho, ama noo siiso macluumaad, wac 206-256-5297, iimayl u dir workers.laborstandards@seattle.gov, ama halkaan guji si aad u buuxiso foomka oonleenka ah.

    ####

    Office of Labor Standards, Source: Labor Standards

    Filed Under: News Release, Office of Labor Standards Tagged With: Office of Labor Standards, Source: Labor Standards

    Copyright © 2025 · News Pro Theme on Genesis Framework · WordPress · Log in

    News.seattle.gov
    Entries (RSS)
    Blog Use Notice
    Log in
    ADA Notice
    Notice of Nondiscrimination
    Privacy
    © 1995- 2025 City of Seattle