Faafin Degdeg ah
Cidda lala xariirayo: Cynthia Santana/Maareeyaha Isgaarsiinta
206-256-5219
cynthia.santana@seattle.gov
Office of Labor Standards wuxuu Ku dhawaaqayaa Mushaarka Ugu Hooseeya ee Seattle sanadka 2023
Seattle, WA – (Oktoobar 4, 2022) – Seattle Office of Labor Standards (OLS, Xaafiiska Heerarka Shaqaalaha ee magaalada Seattle) wuxuu ku dhawaaqayaa mushaarka ugu hooseeya ee Seattle oo dhaqan galaaya Janaayo 1, 2023. Korarka sannadlaha ah ee mushaarka ugu hooseeya waxa amraaya Minimum Wage Ordinance (Sharciga Mushaarka Ugu hooseeya). Mushaarka ugu yar ayaa lagu dabaqaayaa iyada oo aan loo eegeyn aqoonsiga soo galootinimo ee shaqaalaha. Korodhka mushaarka ugu yar waxay ka tarjumaysaa heerka sicirbararka ku salaysan Consumer Price Index (CPI, Tusaha Qiimaha Macmiilka) ee ku aadan aagga Seattle Tacoma Bremerton.
- Mushaarka ugu yar ee sanadka 2023 ee shirkadaha waawayn ee wax shaqalaysiiya (501 ama ka baddan oo shaqaale ah) waa $18.69/saacadiiba.
- Mushaarka Ugu yar ee shirkadaha yaryar ee wax shaqalaaysiiya 2023 (500 ama shaqaale ka yar) kuwaasoo aan bixin ugu yaraan $2.19/saacadiiba oo lagu baxiyo gunooyinka caafimadka shaqaalaha iyo/ama kuwa shaqaalaha aysan ka helin ugu yaraan $2.19/saacadiiba oo caawimaad ah waa $18.69/saacadiiba.
- Mushaarka Ugu yar ee shirkadaha yaryar ee wax shaqalaaysiiya 2023 kuwaas oo bixiyo ugu yaraan $2.19/saacadiiba oo ku bixiyo gunooyinka caafimadka shaqaalaha iyo/ama kuwa shaqaalaha ay ka helaan ugu yaraan $2.19/saacadiiba oo caawimaad ah waa $16.50/saacadiiba.
Minimum Wage Ordinance ayaa dejinaaya mushaarka ugu yar ee loogu talagalay shaqaalaha ka shaqeeya gudaha xadka magaalada. Mushaarka ugu yar Seattle ee hadda waa $17.27/saacadiiba oo ku aadan shirkadaha waaweyn ee wax shaqaalaysiya iyo shirkadaha yaryar ee aan bixin ugu yaraan $1.52/saacadiiba oo ku bixiya dheefaha caafimaadka ee shaqaalaha iyo/ama halka shaqaalaha aysan ka helin ugu yaraan $1.52/saacadiiba oo caawimaad ahaan ah. Shirkadaha yaryar ee wax shaqaalaysiya ee bixiya $1.52/saacadiiba kuna bixiya dheefaha caafimaadka iyo/ama halka ay shaqaalaha ka helaan ugu yaraan $1.52/saacadiiba oo ah caawimaad hadda waxay bixiyan $15.75/saacadiiba.
OLS waxay boostada ugu soo diraysaa boorka goobta shaqada oo wax laga badelay ayna kujiraan macluumaadka heerarka shaqaalaha ee 2023 waxayna udiraysaa ganacsi kasta oo shatiga ganacsiga kahaysta Seattle. Koobiyada boorka goobta shaqada (oo Ingiriis ku qoran) ayaa hadda la heli karaa si looga soo degsado mareegta OLS. Boorar lagu turjumay 25 luuqadood oo kale ayaa laga heli karaa mareegta luuqadaha ee OLS oo halkaan aad ka helayso.
Iska qor wargayska OLS si aad u hesho xogihii ugu danbeeyay ee heerarka shaqaalaha Seattle oo aad ka helayso mareegta OLS.
- Caawimaada ganacsiyada: si aad u hesho caawimaad bilaash ah oo gaar ah oo lagaa siiyo kudhaqanka xeerka mushaarka ugu hooseeya ee Seattle iyo sharciyada kale ee shaqaalaha, wac 206-256-5297, iimeel udir business.laborstandards@seattle.gov ama halkaan dhagsii si aad u buuxiso foomka codsiga oo oonleen ah.
- Caawimaada shaqalaaha iyo dadwaynaha kale: si aad noo waydiiso su’aal, usoo gudbiso cabasho, ama noo siiso macluumaad, wac 206-256-5297, iimeel udir workers.laborstandards@seattle.gov, ama halkaan guji si aad u buuxiso foomka oonleenka ah.
####