seattle.gov logoSeattle

  • Services & Information
  • Elected Officials
  • Departments
  • Visiting Seattle
  • News
  • Back toSeattle.gov
  • Seattle.gov
    • Elected Officials
    • Services & Information
      • Animals and Pets
        • Animals and Pets 2
          • Animals and Pets3
      • Arts and Culture
      • Building and Construction
      • Business and Economic Development
      • City Administration
      • City Jobs
      • City Planning and Development
      • Court Services
      • Education, Schools and Learning
      • Environment and Sustainability
      • Grants and Funding
      • Housing, Health and Human Services
      • Neighborhood Services
      • Parks, Recreation and Attractions
      • Police, Fire and Public Safety
      • Streets, Parking and Transportation
      • Technology
      • Utilities
      • Volunteering and Participating
    • Departments
    • Boards & Commissions
    • Visiting Seattle
      • Points of Interest
    • Business in Seattle
    • Skip to main content

    News.seattle.gov

    News from the City of Seattle

    Categories

    Office of Labor Standards wuxuu Ku dhawaaqayaa Mushaarka Ugu Hooseeya ee Seattle sanadka 2023

    10/04/2022

    Faafin Degdeg ah

    Cidda lala xariirayo: Cynthia Santana/Maareeyaha Isgaarsiinta
    206-256-5219
    cynthia.santana@seattle.gov

    Office of Labor Standards wuxuu Ku dhawaaqayaa Mushaarka Ugu Hooseeya ee Seattle sanadka 2023

    Seattle, WA – (Oktoobar 4, 2022) – Seattle Office of Labor Standards (OLS, Xaafiiska Heerarka Shaqaalaha ee magaalada Seattle) wuxuu ku dhawaaqayaa mushaarka ugu hooseeya ee Seattle oo dhaqan galaaya Janaayo 1, 2023. Korarka sannadlaha ah ee mushaarka ugu hooseeya waxa amraaya Minimum Wage Ordinance (Sharciga Mushaarka Ugu hooseeya). Mushaarka ugu yar ayaa lagu dabaqaayaa iyada oo aan loo eegeyn aqoonsiga soo galootinimo ee shaqaalaha. Korodhka mushaarka ugu yar waxay ka tarjumaysaa heerka sicirbararka ku salaysan Consumer Price Index (CPI, Tusaha Qiimaha Macmiilka) ee ku aadan aagga Seattle Tacoma Bremerton.

    • Mushaarka ugu yar ee sanadka 2023 ee shirkadaha waawayn ee wax shaqalaysiiya (501 ama ka baddan oo shaqaale ah) waa $18.69/saacadiiba.
    • Mushaarka Ugu yar ee shirkadaha yaryar ee wax shaqalaaysiiya 2023 (500 ama shaqaale ka yar) kuwaasoo aan bixin ugu yaraan $2.19/saacadiiba oo lagu baxiyo gunooyinka caafimadka shaqaalaha iyo/ama kuwa shaqaalaha aysan ka helin ugu yaraan $2.19/saacadiiba oo caawimaad ah waa $18.69/saacadiiba.
    • Mushaarka Ugu yar ee shirkadaha yaryar ee wax shaqalaaysiiya 2023 kuwaas oo bixiyo ugu yaraan $2.19/saacadiiba oo ku bixiyo gunooyinka caafimadka shaqaalaha iyo/ama kuwa shaqaalaha ay ka helaan ugu yaraan $2.19/saacadiiba oo caawimaad ah waa $16.50/saacadiiba.

    Minimum Wage Ordinance ayaa dejinaaya mushaarka ugu yar ee loogu talagalay shaqaalaha ka shaqeeya gudaha xadka magaalada.  Mushaarka ugu yar Seattle ee hadda waa $17.27/saacadiiba oo ku aadan shirkadaha waaweyn ee wax shaqaalaysiya iyo shirkadaha yaryar ee aan bixin ugu yaraan $1.52/saacadiiba oo ku bixiya dheefaha caafimaadka ee shaqaalaha iyo/ama halka shaqaalaha aysan ka helin ugu yaraan $1.52/saacadiiba oo caawimaad ahaan ah. Shirkadaha yaryar ee wax shaqaalaysiya ee bixiya $1.52/saacadiiba kuna bixiya dheefaha caafimaadka iyo/ama halka ay shaqaalaha ka helaan ugu yaraan $1.52/saacadiiba oo ah caawimaad hadda waxay bixiyan $15.75/saacadiiba.

    OLS waxay boostada ugu soo diraysaa boorka goobta shaqada oo wax laga badelay ayna kujiraan macluumaadka heerarka shaqaalaha ee 2023 waxayna udiraysaa ganacsi kasta oo shatiga ganacsiga kahaysta Seattle. Koobiyada boorka goobta shaqada (oo Ingiriis ku qoran) ayaa hadda la heli karaa si looga soo degsado mareegta OLS. Boorar lagu turjumay 25 luuqadood oo kale ayaa laga heli karaa mareegta luuqadaha ee OLS oo halkaan aad ka helayso.

    Iska qor wargayska OLS si aad u hesho xogihii ugu danbeeyay ee heerarka shaqaalaha Seattle oo aad ka helayso mareegta OLS.  

    • Caawimaada ganacsiyada: si aad u hesho caawimaad bilaash ah oo gaar ah oo lagaa siiyo kudhaqanka xeerka mushaarka ugu hooseeya ee Seattle iyo sharciyada kale ee shaqaalaha, wac 206-256-5297, iimeel udir business.laborstandards@seattle.gov ama halkaan dhagsii si aad u buuxiso foomka codsiga oo oonleen ah.
    • Caawimaada shaqalaaha iyo dadwaynaha kale: si aad noo waydiiso su’aal, usoo gudbiso cabasho, ama noo siiso macluumaad, wac 206-256-5297, iimeel udir workers.laborstandards@seattle.gov, ama halkaan guji si aad u buuxiso foomka oonleenka ah.

    ####

    Office of Labor Standards, Source: Labor Standards

    Filed Under: News Release, Office of Labor Standards Tagged With: Office of Labor Standards, Source: Labor Standards

    Copyright © 2026 · News Pro Theme on Genesis Framework · WordPress · Log in

    News.seattle.gov
    Entries (RSS)
    About Our Digital Properties
    Log in
    Title II: Americans with Disabilities Act
    Title VI: Civil Rights Act
    Privacy
    © 1995- 2026 City of Seattle