Faafin Degdeg ah
Cidda lala xariirayo: Cynthia Santana/Maareeyaha Isgaarsiinta
206-256-5219 ama cynthia.santana@seattle.gov.
Xaafiiska Heerarka Shaqaalaha ee magaalada Seattle wuxuu Kudhawaaqayaa Qiimaha Ugu hooseeya Mushaarka ee Seattle marka lagaaro 2021
Seattle – (Oktoobar, 6, 2020) – Xaafiiska Heerarka Shaqaalaha ee magaalada Seattle (OLS, The Seattle Office of Labor Standards) wuxuu ku dhawaaqayaa mushaarka ugu hooseeya ee Seattle oo dhaqan galaaya Janaayo 1, 2021. Kororka qiimaha waxaa amraaya Sharciga Mushaarka Ugu hooseeya (Minimum Wage Ordinance). Mushaarka ugu yar wuxuu qabanaaya dhamaan shaqaalaha kashuqeeya gudaha Seattle ayadoon laga eegeyn aqoonsiga soo galootinimo ee shaqaalaha.
- Mushaarka ugu yar ee sanadka 2021 ee shirkadaha waawayn ee wax shaqalaysiiya (501 ama kabaddan oo shaqaale ah) waa $16.69/saacadiiba.
- Mushaarka Ugu yar ee shirkadaha yaryar ee wax shaqalaaysiiya 2021 (500 ama kayar oo shaqaale ah) kuwaasoo aan bixin ugu yaraan $1.69/saacadiiba oo lagu baxiyo gunooyinka caafimadka shaqaalha iyo/ama kuwa aan shaqaaluhu kahelin ugu yaraan $1.69/saacadiiba oo caawimaad ah waa $1.69/saacadiiba.
- Mushaarka Ugu yar ee shirkadaha yaryar ee wax shaqalaaysiiya 2021 kuwaasoo aan bixin ugu yaraan $1.69/saacadiiba oo lagu baxiyo gunooyinka caafimadka shaqaalha iyo/ama kuwa aan shaqaaluhu kahelo ugu yaraan $1.69/saacadiiba oo caawimaad ah waa $15.00/saacadiiba.
OLS waxay boostada ugu soo diraysaa boorka goobta shaqada oo wax laga badalay ayna kujiraan macluumaadka heerarka shaqaalaha ee 2021 waxayna udiraysaa ganacsi kasta oo shatiga ganacsiga kahaysta Seattle. Koobiyada boorka goobta shaqada (oo Ingiriis kuqoran) ayaa laga heli karaa si loogasoo dagso Webseetka OLS. OLS ayaa turjumaysa boorka una badalaysa 19 luuqadood oo kale kuna dhawaaqaysa in laga heli karo oonleenka kunasoo daabacaysa koobiyadiisa wargayska wararka. Fadlan isqor si aad uhesho boorka kujira Webseetka OLS.
- Caawimaada shirkadaha: si aad uhesho caawimaad bilaash ah oo gaar ah oo lagaa siiyo kudhaqanka xeerka mushaarka ugu hooseeya ee Seattle iyo sharciyada kale ee shaqaalaha, wac 206-256-5297, iimeel udir business.laborstandards@seattle.gov ama halkaan dhagsii si aad ubuuxiso foomka codsiga oo oonleen ah.
- Caawimaada shaqalaaha iyo dadwaynaha kale: si aad noo waydiiso su’aal, usoo gudbiso cabasho, ama noo siiso macluumaad, wac 206-256-5297, iimeel udir workers.laborstandards@seattle.gov, ama halkaan dhagsii si aad ubuuxiso foomka oonleenka ah.
####