Ayadoo la ilaalinayo maslaxadda caafimaadka iyo nabadgelyada dadweynaha inta lagu jiro khalalaasaha COVID-19, Maxkamadda Magaalada Seattle waxay u furantahay dadweynaha ayadoo hawlfulinnada la yareeyay sida waafaqsan Amar Maamuleedka Guud 2020-09. Dadka soo booqanaya waxaa waajib ku ah xirashada af-dabool waqti kasta waana in looga fiiriyo heerkulkooda iridka dhismaha maxkamadda.
Ka warran haddii aan rabo in aan ka doodo tigidkeyga?
Dhegeysiyada tigidyada taraafikada iyo meelaha gaariga la-dhigto waxaa lagu qabanayaa bayaan qoraal keliya xilligaan. Haddii aad rabtid in aad codsatid dhegeysi si aad uga doodid ama khafiifisid tigidkaaga, fadlan raac tilmaamaha ku qoran dhabarka tigidkaaga kuna soo dir boostada, ama soo wac (206) 684-5600 Isniin-Jamce, 9 a.m.-4:30 p.m.
Ogeysiis dhegeysiga waxaa laguugu soo dirin boostada waxaana la soo raacin tilmaamo ku aadan sida loo soo diro bayaankaaga khad ahaan ama boostada.
Maxkamadda Magaalada Seattle xilligaan ma ku dalaceyso dadka lacago dulsaar ah, tigidyada lacagtooda oo daahda darteed.
Ka warran haddaan leeyahay keys/dacwo dembiyeed?
Laga bilaabo Luulyo 6, 2020, Maxkamadda Magaalada Seattle waxay dib u bilaabeysaa qaar ka mid ah dhegeysiyada dembiyada ee xabsiga ka baxsan. Waxaa boostada ku heli doontaa ogeysiis kuu sheegaya ballanta maxkamaddaada. Haddii ciwaankaaga boostada isbeddelay, fadlan soo ogeysii maxkamadda ciwaankaaga isbedelay adoo soo wacaya (206) 684-5600 Isniin-Jamce, 9 a.m.-4:30 p.m.
Ka fiiri khadka halkaan ballamaha maxkamadda.
Waji daboolayaal (maaskarada) iyo kala-fogaanshaha bulshada waa ku waajib dhammaan booqdayaasha iyo shaqaalaha maxkamadda. Haddaadan caafimaad dareemeyn ama aad leedahay qandho, guriga joog oo kasoo wac maxkamadda foonka (206-684-5600, Isniin-Jamce, 9:00 a.m.-4:30 p.m.) si aad dib ugu dhigatid dhegeysigaaga.
Haddii aad tahay eedeysane oo qabtid su’aalo ku saabsan keyskaaga, la xiriir qareenkaaga. Waaxda Difaaca Dadweynaha waxay haysaa warqad Ingiriis iyo Isbaanish ku qoran oo loogu talagalay dadka aanan garaneyn sidey u la xiriiri lahaayeen qareenkooda si toosa.
Qareennada: Fadlan fiiri Khadka Macluumaadka Keyska ee macluumaadka keyska macaamiilkaaga.
Ka warran haddii aan u baahanahay in aan bixiyo tigid ama ganaax?
Tigidyada waxaa ku bixin kartaa khadka, foonka (206) 233-7000, ama boostada. Khidmaddii lacag-qabashada ee lacag-bixinnada khadka iyo foonka waa laga tanaasulaya waqtigaan inta lagu jiro.
Hadii aadan bixin karin tigid ama ganaax, adeegga macaamiisha waxaa ka soo wacdaa (206) 684-5600. Waxaa khadka ka codsan kartaa qorsho lacag-bixin. Maxkamadda Magaalada Seattle ma ku dalaceyso dadka lacago dulsaar ah tigidyada lacagtooda oo daahda awgeed inta maxkamaddu xirantahay, sidookale tigidyada looma dirayo wakaaladaha deymaha aruursha inta lagu jiro waqtigaan.
Soo wac (206) 684-5600 Isniin-Jamce,9 a.m.-4:30 p.m. haddii aad wax su’aalaa qabtid ama u baahantahay caawimaad.
Ka warran haddii aan leeyahay waajibaad isxaadirin maalinle ah?
Macaamiisha soo wacitamijiray ama isxaadirinjiray maalinkasta uma baahna in ay iska xaadiriyaan dhismaha maxkamadda xilligaan, illaa si gooni ah loola soo xiriiray oo lagu yiri isxaadiri mooyaane. Hadii aadan la hadlin qofka xiriirkaaga maxkmadda kuu qaabilsan intii ka dambeysay xiritaankii Maarso 16, 2020, fadlan wac oo u duub farriin faseex ah adigoo sheegaya magacaaga iyo macluumaadkaaga xiriirka. Soo wac (206) 684-7840 haddii aadan haysan macluumaadka xiriirka ee la-taliyahaaga.
Ka warran haddaan ku jiro ilaalin?
Macaamiisha ilaalinta ku-jira uma baahna in ay iska xaadiriyaan dhismaha maxkamadda xilligaan, illaa si gooni ah loola soo xiriiray oo lagu yiri isxaadiri mooyaane. Hadii aadan la hadlin la-taliyahaaga intii ka dambeysay xiritaankii maxkamadda Maarso 16, 2020, fadlan wac oo u duub farriin faseex ah adigoo sheegaya magacaaga iyo macluumaadkaaga xiriirka. Soo wac (206) 684-7840 haddii aadan haysan macluumaadka xiriirka ee la-taliyahaaga. Waxaa sidookale iimeel u soo diri kartaa jason.grant@seattle.gov.
Ka warran haddaan rabo in aan booqdo Xarunta Kheyraadka Bulshada (Community Resource Center)?
Nasiibdarro, Xarunta Kheyraadka Bulshada wey xirantahay illaa ogeysiis dambe. Ka fiiri seattle.gov/courts/crc macluumaad ku saabsan kheyraad (ilo waxtar leh).
Ma codsan karaa xaflad guur?
Aroosyada laguma qabanayo gudaha dhismaha maxkamadda xilligaan. Waxaa ku codsan kartaa boggeena khadka xaflad guur oo banaanka lagu qabto.
Ka warran haddaan leeyahay waajibka xeerbeegta?
Maxkamadda Magaalada Seattle waxay dib u bilaabeysaa maxkamad-qaadisyada xeer-beegta laga bilaabo Agoosto, 26, 2020. Haddii aad dareemeysid calaamadaha COVID-19 sida qandho ama qufac, xiriir dhaw la sameysay qof qaba COVID-19, ama aad ku jirtid koox khatar sare leh oo aad jeceshahay adeeggaaga dib in loo dhigo, fadlan soo wac (206) 684-5688 ama soo iimeel-garee smcjuryduty@seattle.gov. U booqo seattle.gov/courts/jury warbixin dheeraada.
Ka warran haddaan u baahanahay in aan helo diiwaanno maxkamad?
Waaxda Diiwaannada wey furantahay inta lagu jiro saacadaha shaqada ee caadigaa waxaana lagala xiriiri karaa 206-684-5636. Diiwaanno keys oo badan waxay diyaar ku yihiin barta khadka.
U booqo boggeena khadka macluumaad dheeraad ah codsashada diiwaannada maxkamadda.
Maxkamaddu maxay sameynaysaa si ay u nabadqabaan booqdayaasha?
Mudnaanteena ugu sarreysa waa caafimaadka iyo badqabka dhammaan dadka soo gala dhismaha maxkamadda. Dadka soo booqanaya iyo shaqaalaha waxaa waajib ku ah xirashada af-dabool waana in looga fiiriyo heerkulkooda iridka dhismaha maxkamadda. Si lagu wado kala-fogaansho bulsho, raacayaasha wiishka waxaa lagu koobay labo qof, isticmaalayaasha musqushana waxaa lagu koobay hal qof markiiba.
Waxaan yareynay tirada qolalka maxkamadda oo shaqeynaya markiiba si lagu yareeyo tirada dadka ku jira dhismaha maxkamadda. Gaashaamo muraayadda balaastiga ah baa lagu rakibay meelaha adeegga iyo goobaha kale ee dhismaha maxkamadda oo dhan.
Nidaamka sifeynta hawada maxkamadda waa la hagaajiyay si gudaha loo soo geliyo hawo bannaan cusub oo badan, si waafaqsan hagidda CDC. Shaqaalaha waxay nadiifiyaan meelaha aadka loo taabto sida gacanka albaabyada maalin kasta.
Ka warran haddaan qabo su’aalo kale?
Soo wac (206) 684-5600 Isniin-Jamce, 9 a.m. – 4:30 p.m.